Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis mashaariic horumarineed laga fulinayo Soomaaliya.
Heshiiska waxaa kalasaxiixday Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar,Khaliifa Bin Jaasim oo maanta Muqdisho soo gaaray.
Mashriicda uu Soomaaliya ka fulinayo Sanduuqa horumarinta Qatar ayaa isugu jira kobcinta Dhaqaalaha, Dhismaha Wadooyinka, iyo Shaqo abuurka iyo Waxbarashada, waxaana lacagta ku baxeysa ay gaareysaa 200 oo Milyan oo Dollar.
Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dowladda Qadar Khaliifa Bin Jaasim ayaa sheegay inay dhisi doonaan Wadada u dhaxeeysa Jowhar iyo Muqdisho oo ah 90 KM iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye 30 KM iyo Dhismaha Hay’addaha Waxbarashada iyo Shaqa abuur loo sameeyo dhalinyarada.