Dowladda Soomaaliya oo ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada isku dayga qar iska tuurnimada ah ee ay ku dhaqaaqday Taiwan, iyadoo ku xadgudbeysa qaranimada Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si adag loogu digay Taiwan inay dib uga fiirsato kala qeybinta Dhulka iyo Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa xog -ogaalnimo la’aan iyo marin habaabin lagu sameeyay.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku difaaceyso qaranimada dhulkeeda iyo madax bannaanineeda, iyadoo adeegsaneysa sharciyada caalamiga ah.
