Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.
Qorshaha dalabka gargaarka ayaa maanta la shaaciyay, iyadoo lagu codsaday lacag dhan 1.08 Bilyan oo doolar si loo caawiyo dad gaaraya 3.4 milyan oo u baahan gargaar degdeg ah, waxaana bayaan wadajir ah oo ay soo saareen dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ay sheegaan in dadka gargaarka ku nool ay hoos uga dhaceen 6.2 oo hadda ay yihiin 4.2
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in colaadaha soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood laga cabsi qabo in horumarkaas ay dhibatooyin soo wajahaan. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag, waxayna u baahanyihiin kaalmo degdeg ah si naftooda loo caymiyo.
“Qorshaha sannadkan 2019 wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin, iyadoo aan lugu barbar wadin mashaariicda horumarinta, waxaana loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah.