Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 80 milyan oo doolar, kaasoo ah mashruuc maalgelin Bankiga adduunka ka fulinayo Soomaaliya.
Heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bankiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, iyadoo Wasiirka maaliyadda uu sheegay in Bankiga adduunku in heshiiska maanta la saxiixay ka mid yahay deeq $140 Mliyan oo Doolar ah oo $80 Milyan oo ka mida Bankiga adduunku uu dhowaan ansixiyay.
Agaasimaha Bankiga adduunka ee Bariga Afrika Bella Bird ayaa sheegtay in Bankiga Adduunkuku bogaadinayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta deymaha.
Lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Baanka Adduunka uu siiyo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay Dawladdii Dhexe 1991 kii. Bankiga Adduunka ayaa wadashaqeyntii uu la lahaa dowladda Soomaaliya soo celiyay 2013 kii.