Guddoomiye ku xigeenka Sihirkadda Spectrum Graham Mayhew ayaa Wasaaradda Batroolka Somalia u soo diray caddeyn ku saabsan inaysan wax baaritaan ah shirkaddu ka sameyn Xududka Badda ay Kenya sheegatay ee dacwadu u dhaxeysa labada dal ka socoto Maxkamadda ICJ.
Warqada qoraalka iyo Map raacsan oo muujinaya inaan baaritaanta shirkadda inuusan gaarsiisneyd xuduud Badeedka Somalia iyo Kenya ayaa loo diray dowladda Somalia, waxaana arrintan ay caddeyn u tahay in Kenya ay warbixin been ah ku dhistay tallaabadii ay ka qaadatay Somalia ee ay dalkeeda uga soo saartay safiirka Somalia, una abuurtay xiisadda diblomaasiyadeed.
Guddoomiye ku xigeenak Shirkadda Spectrum wuxuu kaloo qoraalkiisa ku sheegay arrin kale oo dowladda Somalia si weyn ugu baahneyd, taasoo ah inaan wax xaraash ah ka dhicin shirkii London ee 7-da Fabraayo 2019.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

