Wararka laga helayo magaalda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda la dhigay magaaladaasi iyadoo si weyn lo sugayo amniga, waxaana la mamnuucay shirarka siayasadda ee looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.
Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka magaalada ayaa shaaciyey inaan magaalada lagu qaban karin shirarka ka dhanka ah maamul u sameynta Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo Guddiga Doorashada Galmudug uu shalay soo saaray jadwalka Doorashada Galmudug.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb shir uga socdaa madaxda Ahlu suna oo la filayo in go’aanka amni ee soo baxay loola jeedo, waxaana la filayay inay soo saaraan go’aano ay ku diidan yihiin doorashada ay wado dowladda Federaalka.
Dadaal dhinacyo kala duwan ugu jireen in lagu xaliyo khilafka Ahl u suna ee dowladda Somalia ayaa fashilmay, waxaana dowladda Federaalka ay go’aansatay inay dhaqaajiso doorashada Galmudug.