Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyey intii ay talada qabatay ay lacag siisay shirkado Mareykan ah oo galaangal u sameeya dowladaha iyo madaxda dibadda, taasoo ujeedkeedu ahaa in Farmajo lala kulansiiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Dowladda Soomaaliya Farmaajo ayaa bishan horaanteedii siisay hay’ad Mareykanka ee lagu magacaabo Sonoran Policy Group, lacagta oo dhan $400,000. Heshiiskan oo Villa Somalia ay bishii $10,000 bixineyso waa sidii loogala hadli lahaa maamulka Trump, waxaa uu socon-doonaa ilaa December 1, 2018.
Heshiiskan oo uu shirkadda la saxiixday safiirka Soomaaliya UN-ka u fadhiya Abuukar Cusmaan ayaa arrimaha ay rabaan inay ka shaqeeyaan sidii madaxweyne Farmaajo ku booqan lahaa Mareykanka, inuu la kulmo madaxda aqalka cad iyo inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee hey’adaha iyo bulshada Mareykanka.
Isla heshiiska waxaa ku xusan, in shirkadda ka shaqeyso sidii dib loosoo celin lahaa kaalmada uu Mareykanka siin-jiray ciidamada xoogga dalka iyo qaadista xayiraada fiisaha. Waxaa SPG u saxiixay Christian Bourge, oo ah madaxa shirkadda fadhigiisu waa Arizona.
Ma aha, wax cusub in maamulka Farmaajo uu heshiis la galo shirkado Mareykan ah, waa markii 3aad tan iyo markii uu xafiiska qabtay February sanadkii hore.
May 2017: Dowladda Farmaajo waxaa ay heshiis la saxiixatay shirkadda BGR government iyada oo shirkadda ay bil walba qaadan jirtay $35,000, taas oo ka bilaabaneysay May 1, 2017-2019. Lama oga waxa ka fulay, laakin waxaa uu farmaajo shirkadaas ka dalbaday inay kala hadlaan Maamulka Washington, uuna la kulmo Trump, madaxda Congreess iyo bulshada Mareykanka.
November, 2017: Sida ay daabacday Daily Nation, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqo siisay Senator-ka howl-gab-ka ah ee Alfonse Marcello D’Amato, sidii uu Soomaaliya uga iibin lahaa maamulka Trump.
Heshiiska waxaa uu dhigayey in dowladda federaalka ah ay bishii siiso shirkad uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato lacag dhan $120,000, Alfonse waa mas’uul ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo uu wakiil uga ahaa gobolka New York isaga oo aqalka Senate-ka Mareykanka ku jiray 1981-1999.
Isla heshiiska waxaa ku jira in la siiso shirkadda Mr. D’Amato ee Park Strategies sanadkii lacag aan ka badneyn $36,000 oo ku bixi-doono jid iyo jiif.
Farmaajo Muxuu Intan U Marayaa? Mareykanka waxaa uu 10-kii sano ee la soo dhaafay illaa $2 billion ku bixiyay arrimo la xiriira Banii’aadnimada iyo hor-u-marka Soomaaliya.
Waxaa intaasi dheer, Washington waxaa ay $900 million ku taageertaa AMISOM. Lacag kale oo dhan $720 million waxaa ay Mareykanka u taageereen howl-gallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya waa illaa 5oo, waxaa ay tababar iyo taageero kale siiyaay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.