Dowladda Soomaaliya ayaa diiwaan gelin casri ah kusoo rogtay ciidamada dowladda, iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre oo maana kormeeray dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho uu amar ku bixiyey in dardar geliyo howshaasi.
Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxayna u ballanqaadeen inay dardar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu haboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidamada.
Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka Galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaangelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah.
Nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta oo sahlaya in qof kasta ee lagu diiwaan geliyo xogtiisa lagu kaydiyo sida ugu habboon, ayaa dawladda ka caawinayaa tirada rasmiga ah ee ciidanka mileteriga iyo fududaynta xuquuqda ciidanka iyada oo loo marsiinayo akoonnada ay ciidanku ku leeyihiin bangiyada dalka.