Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamo cusub oo Milteri ah oo dowladda Somalia ay diayarisay, kadib markii tababar loogu soo xiray xerada Gen. Gordan ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo dhammeystay tababar ayaa noqonaya qeybtii labaad ciidamo loo diray Gobolka Sh/Hoose oo degaano kala wareegay kooxda Alshabaab, wuxuuna Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre u ballan qaaday in xaquuqdooda loo dhammaystirayo, ayna dagaal gelid oonaan si ay u wajahaan kooxaha nabad-diidka ah.
Kheyre ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in gallada cadawga lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga xoreynayo argagaxisada.
Xerada Gen. Gordan ee lagu tababaray ciidamadaan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo argagaxisada looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka.


