Dowladda Soomaalia ayaa magaalada Istanbul ee talka Turkiga heshiis cusub oo bilow ah kula saxiixatay shirkadda maamusha Dekadda Muqdisho ee Al-bayrak.
Heshiiskan oo sanado badan lasoo waday ayaa ugu danbeyn qoraalkiisa oo ka kooban 200 bog la saxiixay, iyadoo dhaqangalkiisa la sheegay in Muqdisho lagu saxiixo doono, waxaana arrintan dalka Turkiga u joogay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dekadaha Maryan Aweys Jaamac iyo Gaadiidka Badda iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho.
Dib u eegista lagu sameyya heshiiskii hore ee lala galay Shirkadda Albayrak ayaa aha qabyo iyadoo isbedel lagu sameeyay oo KMG ahaa uu sanado badan qaatay, waxaana dadaal loogu jiray in heshiiska la waafajiyo halbeegyada heshiisyada caalamiga ah, taasoo shirkadda Albeyrak ka caga-jiiday.
Heshiiska Albayrak iyo dowladda Soomaaliya ee xalay ka dhacay magaalada Istanbul ayaa ah is-faham, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo saxiixo marka loo gudbiyo hay’adaha ku shaqada leh ee dowlada Federaalka.
Shirkadda Albeyrak ayaa lagu eedeeyay inaysan dhaqaale badan gelin, wax dib u dhis ahna ku sameyn dekadda Muqdisho, balse ay iska qaadato 50% dakhliga Dekadda Muqdisho kasoo xerooda, iyadoo aanay cidna kula xisaabtamin fulinta heshiisyadii hore.


