Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in taliska Milateriga Dowladda Soomaaliya uu hub iyo saanad kale ka dejiyey Dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Hubkan ayaa la sheegay in lagu qaaday Doonyo ka qaadeen Dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo laga dejiyey dekadda Dabiiciga ah ee magaalada Hobyo, waxaana la sheegay in hubkan uu u socday qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo la filayo inay dhowaan ka bilowdaan degaanada GalMudug howlgallo ka dhan ah Alshabaab.
Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda hub loo diro, waxaana hubkan uu noqonayaa kii ugu badnaa ee dowladdu gaarsiiso Galmudug si howlgallo ciidan loogu qaado Alshabaabka ku sugan Mudug iyo Galgaduud oo aanay ciidamada dowladda wax dagaal ah la gelin muddo dheer.