Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida ku timidSafiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay dalka Soomaaliya Ambassador Xamuud Al Xuweydi.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu safiir Xaamud Alxuweydi u geeriyooday xanuun kedis ah oo kusoo booday magaalada Muqdisho, waxaana tacsi dowladda u dirtay eheladisa iyo Jaamacadda Carabta.
Faahfaahin lagama bixin xanuuna sababay geerida safiirka iyo xaalada ku wareegsan, iyado lagu soo koobay xanuun kusoo booday saaka 24-ka May 2020-ka.
Safiirka geriyooday ee Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya marxuum Xamuud Samaran Al Jowhary Al Xuweydi, ayaa ahaa diblomaasi u dhashay dalka Sacuudiga oo xilka hayey wixii ka danbeeyay June 2017.
