Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibaddiisa, iyadoo qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah oo lagu karaantiilay, waxayna intaas raacisay in qofkaasi xaaladiisa degan tahay.
Waxay intaas ku dartay in qofka laga helay cudurkan uu ka yimid mid ka mida dalalka uu ku faafay cudurka COVID-19. Waxayna Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay diyaarisay Isbitaal haddii ay xaalado kale oo cudurkan ah soo baxaan lagu daaweeyo dadka uu soo rito cudurkan.
Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqday dadka Soomaalida inay is dejiyaan.
Dhinaca kale Wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isna shaaciyey inay dawladdu joojisya dhammana duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada kana baxa dalka, laga bilaabo 18-ka bisha Maarso muddo 15 maalmood ah.
Amarkan ayaa saamaynaya ilaa 15 diyaaradood oo yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa qaadka iyo kuwa rakaabka.