Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Aqalka Sare ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay inay ka gaabisay gurmadka dadka ku waxyeeloobay daadadka ku fatahay magaalada Beledweyne oo ay ku barakaceen kumanaan qof o shacab ah.
Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Bukhaari ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay inay si weyn uga gaabisayu gargaaridda dadka Beledweyne oo kumanaan qof ay barkaceen, wuxuuna hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gargaar la gaaraan dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne.
Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in fatahaadii hore uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo halkaasi u tegay igu sawir oo kaliya oo aan waxba loo qaban, haddana aysan dowladda Soomaaliya ka gaabisay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobolka Hiiraan, wuxuuna ku baaqay inaan loo kala harin gurmadka reer Beledweyne.
Magaalada Beledweyne ayaa si joogto ah dhibane ugu noqotay fatahaad magaalada ka dhiga biyo galeen mar kastoo ay roobabku da’aan, iyadoo aysan jirin qorshe magaalada looga badbaadinayo daadadka kusoo noqnoqday.