Dowladda Somalia ayaa dib ugu celineysa magaalada Dhuusamareeb ee xaruta Galmudug madaxweynaha xilka sii haya ee waqtigiisu dhammaaday Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Wararka ayaa sheegaya inuu Xaaf uu ku biiri doono wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inay saacadaha soo socda ka degaan magaaladaasi oo uu hore uga baxay Madaxweynaha Galmudug, isla markaana uu shaaciyey inuu burburay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna.
Xaaf ayaa arrimaha Galmudug u xil saaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna heshiis aan la shaacin la galay madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo xilligaasi kadib fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho, marka laga reebo hal mar oo uu ka qeyb galay shirkii beelaha H/Gidir ee degmada Hobyo.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug basle waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha so socdo uu tago Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Madaxweynaya xilka sii haya ee Galmudug ayaa ka qeyb galaya xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb oo uu hore u sheegay inuu yahay shir NGO ah, iyadoo tegistiisa xarunta Galmudug ay ka shaqeysay dowladda Federaalka.