Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dowladda Somalia oo shaacisay inay tallaabo ka qaadeyso dadka u hoggaansama Amarrada Alshabaab

    Dowladda Somalia oo shaacisay inay tallaabo ka qaadeyso dadka u hoggaansama Amarrada Alshabaab

    September 11, 2019Updated:September 12, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay War cad kasoo saartay Odayaasha cafiska ugu tegay Alshabaab ee qaatay amarkooda, waxayna uga digtay shakhsiyaadka fuliya amarrada ay bixiyaan malleeshiyada Al shabaab.

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay falalka lagu sheegay bah-dilka iyo xadgudubka ee Argagaxisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana dowladda Somalia ay caddeysayin odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen.

    “Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin-habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad-qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadeysatay dhibaataynta shacabka.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    WAR SAXAAFADEED

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay canbaareynaysaa bahdilka, jajuubka iyo xad-gudubka ay kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku hayaan dadka Soomaaliyeed,ee ku nool tuulooyinka fog gog iyo meelaha yar yar ay ka taliyaan oo ay beryahaan soo bandigayeen iyagoo jirdilaya oo ku qasbaya in ay hadlaan,taasoo ah dhaqan maafiyo, gef-waynna ku ah Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.
    Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan in aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen.
    Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin- habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad- qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah.
    Waxaana xusid mudan, in kooxda si xoogleh loo wiiqay awoodooda taas oo ay cadayn utahay in ay maalmihii danbe aad u korortay tirada ka soogoosanaysa isla markaana laga saaray goobihii ay ku xooganayeen,waxaana si dar dar leh isku soo dhiibayay saraakiisha iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab.
    Uga danbeyn, dowladda Soomaaliya waxay tillaabo sharci ah ka qaadeysaa cid-kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadaysatay dhibaataynta shacabka.

    Dhamaad

    Alshabab Amarrada Alshabaab Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMortar attack kills 1, wounds 3 in Mogadishu
    Next Article Guddoomiyaha G/Banadir oo magacaabay Guddiga ka talo-bixiya Waddooyinka xiran ee Muqdisho [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo