Sii-haya Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyay inuu shaqo bilaabay Khad labaad oo Internet ah, iyadoo cilad bixin lagu wado khadkii hore ee ciladdu haleeshay.
“Waxaan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada..” ayuu yiri Wasiirka oo war kasoo saaray xaaladda internet-ka.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho, wuxuuna intas ku daray inuu dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM.

Xarigii hore ayaa ciladooday 26 July 2020, iyadoo si KMG ah shaqada u sii waday. “Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.” ayuu yiri wasiir Canshuur.