Taliska Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa taliye u magacaabay saldhigga Booliska magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ah magaalada ugu weyn ganacsiga degaanadaasi oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Taliyaha cusub ee saldhiga Booliska Guriceel ayaa lagu magacaabaa Zakariye Cali, waxaana shalay la geeyay halkaasi ciidamo Boolis ah iyo kuwii hore u joogay, iyadoo taliyeyaasha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel ay halkaasi kula hadleen dadweynaha iyo ganacsatada magaalada, ayna ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay si toos ah ula wareegtay degaanadii Ahlu suna ka talineysay iyadoo taliyeyaasha Booliska degaanada maamulkaasi oo ka tirsan Galmudug laga magacaabayo magaalada Muqdisho.