Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay ururka 4-aad ee ciidamada Kumaandooska Gorgor oo lagu tababarray Saldhigga ciidamada Turkiga ee magaalada Muqdisho Turksom.
Ciidamadan ayaa qaatay tababar lix bilood iyo bar socday, waana kuwa lugta oo ah ciidamada kumaandooska Milateriga Soomaaliya, iyadoo xaflad loogu soo xiray tababarka ciidamadan ay ka dhacay saldhigga ciidamada Turksom ee magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen taliyaha ciidamada Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa soo bandhigay gaada-ka-ciyaar iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo dadka, waxaana xafladda khudbado ka jeediyey Taliyaha ciidamadda Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raagge iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed
HOOS KA DAAWO