Dowladda Somalia ayaa war cusub kasoo saartay Doorashada Galmudug ka dhaceysa iyo halka ay ka dhici doonto, iyadoo ka hor timid qoraal kasoo baxay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dhamaatay waqtiga xilheynta ee Madaxda Galmudug,isla markaana Doorashada Galmudug lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb 4-da Bisha July 2019.
Madaxweyne Xaaf ayaa qoraal lama filaan ahaa oo uu xalay soo saaray ku sheegay inay doorashada ka dhaceyso magaalada Cadaado, isagoo waxba kama jiraan kasoo qaaday heshiiskii uu la galay Galmudug.
AKRHRISO QORAALKA WASAARADDA
