War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hotelka Dusit2 ee magaalada Naurobi, waxaana tacsi loo diray dadka ku waxyeeloobay.
Akhriso War-saxaafadeedka
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee maanta oo Talaado ah lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah ayaa waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.