Dowladda Somalia ayaa war kasoo saartay falkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo dadkii lagu laayey dad shacab ah.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay inuu ku hadlayo magaca xukuumadda iyo kan madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyey in dowladda Somalia aya aad uga xun tahay , ayna cambaareynayaan falkii magaalada Gaalkacyo ee lagu laayey dadka shacabka ah iyo falkii kale ee ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Wasiir Maareeya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ballanqaadeyso baaritaan xoog leh oo lagu sameeyo falkaasi, dadkii ka dambeeyayna laga qaado tallaabo lagu horgeyn doono cadaaladda, lagana abaal mariyo dembiga ay geysteen, iyadoo dowladda ay kaashan doono waxgaradka iyo dadka Soomaaliyeed.
HOOS KA DAAWO