Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Dowladda Somalia oo War la-yaab leh kasoo saartay Go’aankii Mareykanka ku joojiyey taageeradii Ciidamada [Akhriso]

    Dowladda Somalia oo War la-yaab leh kasoo saartay Go’aankii Mareykanka ku joojiyey taageeradii Ciidamada [Akhriso]

    December 15, 20173 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxafadeed yaab leh caawa kasoo saaray go’aankii dowladda Mareykanka ku joojisay taageeradii ay siin jirtay ciidamadda Xoogga dalka, sababo la xiriira musuqmaasuq dartiis.

    War-saxaafadeed wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya soo saartay ayaa cinwaan looga dhigay: Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka ciidanka XDS..!, wuxuuna u qornaa sida soo socota:

    WAR-SAXAAFADEED (Faafin Degdeg Ah)

    Muqdisho, 15 December 2017 – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah.

    Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga.

    Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay.

    Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

    Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan.

    Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS.

    Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada ciidanka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

    Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay.

    Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka.

    DHAMMAAD

    ciidamada Milatery NSA Top US xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKooxda Alshabaab oo shaacisay inay dileen wiil uu dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow
    Next Article Somalia’s budget meets IMF terms, official says

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo