Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa soo saaray baaq wadajir ah oo ku saabsan codsi taageero degdeg ah oo lagu dalbaday lacag dhan $80 million oo si deg-deg ah loogu baahan yahay si wax looga qabto fatahaadda ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Kulan ay labada dhinac ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kadib lasoo saaray codsiga lacagtaasi, waxayna Hay’adda isku xirka gargaarka ee Q/Midoobay ee OCHA ay sheegtay in roobabka da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah. Fatahaadaha waxaa ay geysteen khasaare naf iyo maal leh, barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale .
OCHA ayaa sheegtay in dad gaaraya 750,000 ay ku waxyeeloobeen Roobabka iyo fatahaadda, halka ay ku bara kaceen ilaa 229,000 oo qof. Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadnimada waxay sheegayaan in aan la sugi karin lacagtii $1.5 billion ee laga sugayey sanadkan beesha caalamka.
Peter de Clercq, oo UNka u qaabilsan arrimaha banii’aadnimada waxaa uu sheegayaa in loo baahanyahay xal waara iyo u adkeysi la xiriira arrimaha isbadalka hawada iyo cimillada.