Dowladda Soomaaliya ay Ganacsatada iyo dadweynaha Muqdisho uga digtay weerarro argagixiso, iyadoo ku baaqday feeginaan dheeraad ah iyo in la yareeyo tegista goobaha caamka ah.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfafinta ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay weli faraha kula jiraan fal dembiyeedyo ay ka mid yihiin dilka dadka shacabka, burburinta kaabeyaasha sida ceelasha, beeraha, Buundooyinka, Waddooyinka iyo wixii la mid ah
Dowladda ayaa fartay shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga hortago dhagarta cadowga, iyadoo la kordhiyay xogaha sirdoonka ee la socodka dhaqdhaqaaqa Khawaarijta, si looga hortago tallaabo kasta oo ay ku doonayaan inay shacabka ku waxyeeleeyaan.
Tallaabooyinka la faray daka waxaa ka mid ah:
1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.
2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.
3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.
4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada , garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga .
5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaarijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay dulqaad muujiyaan.
