Safiirka Soomaliya ee Khartum Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa war uu soo saaray ku sheegay in wargeysyada Suudan wararka ay tabiyeen ay ahaayeen been abuur ah, isagoo caddeeyay in Baasaboorka Soomaaliya uu yahay mid Elektronic ah kana mid ah kuwa ugu wanaagsan basaboorada caalamka lana sameysan karin.
Wargeysyada dalka Suudan ayaa qoray in afar gabdhood oo laba kamid ah ay ahaayeen Mataano oo ka tegay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum isla markaana watay Baasabooro Somali ah iyagoo lagu qabtay dalka Imaaraadka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]