Dowladaha Somaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan baarista iyo soo saarista Kheyraadka Hydrocarbon oo ay ku jiraan Shidaalka, Gaaska iyo Macdanta kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ku sugan ayaa heshiiskan la saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar.
Faahfaahin badan lagama bixin heshiiskan oo quseeya Badda iyo Beriga Soomaaliya, balse waxaa la sheegay inuu yahay heshiis ku saabsan Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.
Wasiir C/risaaq ayaa sheegay in dhiggiisa Turkey Mudane ay kala saxiixdeen heshiis laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.
Wuxuu intaas ku daray in inuu dalka Turkiga uga mahad celinayotaageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Somalia.