Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa shirka Caalamiga ah ee 67aad ee Hay’adda Baddaha Adduunka [International Maritime organisation IMO].
Shirka oo ka socda magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa looga hadlayaa xaalada Baddaha Aduunka iyo Marinada caalamiga ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan dowladaha dalalka Baddaha leh ee ka mida ururka.
Soomaaliya waxa shirkan u metelaya wafdi uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo ay ka mid yihiin Maareeye ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Maxmed Cagaweyne iyo la-taliyaha Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Abdulahi wehliye.
Soomaaliya oo xubin ka ah ururka IMO ayaa muddo dheer bixin qaaraankii xubinnimada, iyadoo hadda ay dadaal ugu jirto inay dib ula soo noqoto codkii ay ku lahayd Hay’adda Caalamiga ah ee arrimaha Baddaha Dunida.
Ururka IMO ayaa Soomaaliya muhiim u ah xilligan iyadoo bixisa tababarro iyo taageerada sharciyadda badda, iyadoo lagu xaliyo dhibaatooyinka ka dhaca Badaha dunida.


