Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyay duqeynta ay Kenya kasii wado Soomaaliya, ayna ku disjay dad shacab ah.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntii aaa kala sooca lahayn ee 3-dii June 2021 ay ciidamada Kenya ka fuliyeen degaanada Ceelcadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo inay tahay tusaale cad howlgallada ciidamada Kenya ee keenay dhimashada iyo xasuuqa dadka rayidka ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday AMISOM inay la socoto falalka ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya iyo duqeynta ay iskood ula beegsanayaan dadka rayidka ah, waxaana dacwad arrintan ku saabsan ay Soomaaliya gaarsiin doonto Golaha Amniga Midowga Afrika.
“Waxaa muuqata inay sii kordheysa muuqato daandaansiga iyo kala sooc la’aanta ay ciidamada KDF ay howlgalada ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada, waxna ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada laakiin kaliya waxay sii xagjirineysaa beelaha taageera xag-jirnimada” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO