Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya, kadib faragelintii ka dhalatay heshiiskii ay la gaartay madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xiriiro toos ah la sameeyay madax ka tirsan dalalka carabta iyo dunida, isagoo u sharxay xaaladda, isla markaana ka helay taageero iyo garab istaag, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.
Xiriirkii ugu horeeyay wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, waxayna ka wada hadleen xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo danaha Labada Dal.
Sidoo kale Madaxweyna Xasan Sheekh ayaa khadka kula xiriiray Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.
Dhinaca kale Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha diabdda Dowladda Federaalka ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto oo ay ka wahadleen xaaladda Soomaaliya iyo arrinta Itoobiya ku dhaqaaqday iyadoo Madaxweynaha Kenya uu si buuxda u taageeray Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.
Ololaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa si xoog leh u socda, kaasoo ay dowladda Federaalka ku raadineyso taageerada Beesha Caalamka, waxaana warkii ugu horeeyay soo saaray oo Soomaaliya si buuxda u taageeray Midowga Yurub.