Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday Bishii Ramadaan iyo Puntland & Alshabaab oo…

    Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday Bishii Ramadaan iyo Puntland & Alshabaab oo…

    March 11, 2024Updated:March 11, 20242 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa xilli danbe ku dhawaaqday inay Berri oo Isniin ah 11-ka Maarso 2024 ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

    Culimo ka tirsan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa si toos ah warbaahinta dowladda uga dhaariyay nin magaciisa ku sheegay Jamaal Axmed Mayow oo sheegay inuu arkay bishii Ramadaan, isagoo jooga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

    Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiir ku xigeenksa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada yaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

    Maamulka Puntland ayaa dhinaciisa ku dhawaaqay inay Berri dhammeystirayaan Bisha Shacbaan oo aanay Ramadaan ahayn, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Diinta Puntland. Sidaas oo kale Alshabaab ayaa shaacisay in la waayey Bishii Ramadaan oo ay tahay 30-ka Shacbaan, markii la waayey Bishii, halka Somaliland ay ku dhawaaqday inay Berri tahay Ramadaan.

    Arrintan ayaa ka danbeysay iyadoo Maqribnimadii caawa ay Boqortooyada Sacuudiga shaacisay in la arkay bishii Ramaadaan, waxaana Sacuudiga kadib ku dhawaaqay inay Ramadaan tahay dalalka, Imaaraadka, Qatar, Kuwait, Baxrayn, Yemen, Falastiin, Lubnaan iyo Masar.

    Maxkamadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maalinta berri oo Isniin ah taariikhduna ay ku beegan tahay 11-ka March 2024 ay tahay billowga bisha barakeysan ee Ramadaan ee sanadka Hijriga ah ee 1445-ka.

    Dalal kale sida Cumaan iyo Urdun ayaa ku dhawaaqay in maalinta Talaadada 12-ka Maarso ay u tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, maadaama aan la xaqiijin waayey dhalashada bisha.

    Malaysiya, Indonesia, Thailand iyo Singapore ayaa sidoo kale Soonku u bilaabanayaa maalinta Talaadada.

    .

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDab ka dhashay Qarax oo Qabsaday Qeyb ka mida Suuqa Bakaaraha iyo Qasaaraha
    Next Article Puntland iyo Alshabaab oo isku mowqif ka noqday Bilashada Bisha Ramadaan ee sanadkan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo