Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa maanta ka guddoomay urur Goboleedka IGAD deeq lacageed oo loogu talogalay la-dagaalanka Coronavirus.
Jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxy ka guddoontay sarkaalka xiriiriyaha Xafiiska IGAD ee Muqdisho Jamaal Axmed, iyadoo kaalmadaasi lacageed ay tahay hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha urur goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dagaalkeeda ka dhanka ah Karoonka feyrus oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.
IGAD waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaar garowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD Coronavirus iyo muujinta taageero garab-istaag u ah wadamada gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman.
3 April, Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno lagala helay coronavirus, iyadoo tirada guud ay gaartay 7 qof.