Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dowladda Somaliya oo markii 3-aad laga diiday in laga qaado Xayiraadda Hubka (Ruushka iyo Shiinaha oo..)

    Dowladda Somaliya oo markii 3-aad laga diiday in laga qaado Xayiraadda Hubka (Ruushka iyo Shiinaha oo..)

    November 17, 2021Updated:November 17, 20213 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii saddexaad laga diiday codsi ku saabsan in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran mudadda dheer, kadib go’aan sanad kale laghu kordhiyey xayiraadda, howl cusubna loo xil saaray Guddiga la socodka hubka ee UN Monitoring Group.

    Kulankii Isniinta ee Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo socday muddo 13 daqiiqo ah ayaan waxba laga soo qaadin dalabka iyo warbixinta dowladda Soomaaliya oo uu jeediyey Wakiilka u fadhiya Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Osman; isagoo ku celceliyay baaqa ah in cunaqabataynta la qaado Dowladda.

    Golaha Ammmaanka cusbooneysiiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee la soo dejiyo iyo dhoofinta dhuxusha, waxaa kaloo howsha loo cusboonaysiiyay guddiga khubarada ee Soomaaliya.

    Qaraarka 2607 (2021) ayaa waxaa taageeray 13 dowladood, mana jirin dal ka soo horjeestay, waxaase ka amusay dalalka Shiinaha iyo Ruushka). Sida ku cad Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, waxa dib loo cusboonaysiiyay lana balaariyey qodobbada ku qeexan cutubka 15 ee qaraarka 2182 (2014) ilaa 15 November 2022.

    Golaha ayaa u fasaxday Dawladaha xubnaha ka ah inay kormeeraan maraakiibta ku sugan badda Soomaaliya iyo badaha dheer ee ku fidsan oo ay ku jiraan badda Carabta iyo Gacanka Faaris, haddii ay jirto sabab macquul ah oo ay aaminsan yihiin inay sidaan Dhuxul, Hub ama qalab milatari, oo ay ku jiraan qaybaha walxaha qarxa.

    Dhinaca shaqada Guddiga khubarada Soomaaliya oo dib loo cusboonaysiiyay ilaa 15-ka December 2022, goluhu wuxuu khubarada ka codsaday inay baaritaannada iyo warbixintooda ku daraan arrimaha la xiriira jinsiga.

    Wakiilka Ruushka ee Golaha Amniga aya arinjtan ku tilmaantay nidaamka cunaqabataynta ee Soomaaliya; mid loola jeedaa in loogu adeego danaha laba geesoodka ah ee xubnaha Golaha qaarkood ama lagu cadaadiyo dalka ay neceb yihiin, ayna dhinacooda diidanaayeen ereyada ku jira farqada 38, taasoo ku qasbaysa guddiga khubarada in ay horumariyaan arrimaha jinsiga ee loo igmaday iyada oo aan tixgelinayn gaar ahaan waddanka.

    Wafdiga Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo oo ku aaddan dib u dhiska qaranka. Dawladdu waxay cusboonaysiisay qorshaheeda kala guurka, taas oo muujinaysa awoodda ay u leedahay in ay si madax-bannaan u qaadato mas’uuliyadda amniga iyo lahaanshaha aayaheeda. Iyadoo laga duulayo codsiga dalka, Goluhu waa in uu wax ka beddelo cunaqabataynta hubka si ay dawladda federaalku u xoojiso awooddeeda amni oo ay u soo celiso hay’adaha dawladda. Waa wax laga xumaado in qaraarku aanu ku jirin hagaajin ku filan.

    Wakiilka Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in uu ka xun yahay in sanadkii saddexaad oo xiriir ah aan la tixgelin arrimihii muhiimka ahaa ee dowladda Soomaaliya soo bandhigtay, isagoo cod dheer ku dalbaday in laga qaado cunaqabateynta.

    Abukar Baalle Somalia Top UN UN monitoring group UNSC Xayiraadda Hubka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Nabad-doon lagu dhex dilay Gurigiisa Magaalada Muqdisho
    Next Article Dal Afrikaan ah oo Somaliya u soo diray in ka badan 100 Askari oo Boolis ah iyo Halka la geynayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo