Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ayaa dadaalkii ugu danbeeyay ugu jirta sidii ay ku qaban lahayd kursiga aan joogtada ahayn Golaha Amniga Qaramada Midoobay.
Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru Dawlaha Cali Maxamuud Balcad ayaa magaalada Addis ababa ku guddoomiyay Kulanka Guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa ee ay ku tartamaan dalalka Africa.
Shiran Guddiga ayaa looga hadlay tartanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada kursiga aan joogtada ahayn Golaha Amniga Qaramada Midoobay 2025-2026.
Kursigan oo Qeybta Bariga Afrika ay ku tartamayaan dalalka Somaliya, Mauritius iyo Madagascar ayaa waxaa xaq u yeeshay inay Soomaaliya qabato, waxaana rajo badan laga qabaa in Somaliya ka mid noqoto Golaha Amniga Qaramada Midoobay sanadka soo socda.
Wasiiru Dawlaha Cali Cumar “cali Balcad” ayaa sheegay in rajada Dowladda Soomaaliya ay tahay mid sareysa oo sababo badan dartood ay xaq ugu yeelaneyso inay ka mid noqto Golaha Amniga Qarmada Midoobay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Soomaaliya ay noqotay Musharaxa kaliya ee u taagan xilka kursiga Golaha Amniga Qaramada Midoobay ee dalalka Bariga Afrika, kadib kulankii Golaha Midowga Afrika ee heerka Golaha Wasiirada oo ansixiyay go’aankaasi.