Dawladda Soomaaliya ayaa ka carootay, isla markaana raaligelin ka dalbatay War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee urur goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu, kaasi oo ugu baaqayey Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warkan oo lagu baahiyay Baraha IGAD ayaa loogu baaqay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan sidii si nabad iyo saaxiibtinnimo ah ugu dhammeysan lahaayeen xaaladda kasoo cusboonaatay is-afgaradkii ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland.
“Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in arrintan gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD” ayaa lagu yiri qoraalka Xoghayaha IGAD.
Qoraal kasoo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mowqifkaasi uu ka hooseeyo kii ay filanaysay, oo ahaa in la cambaareeyo xadgudubka Itoobiya ee qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa hadalka xoghayaha guud ee ururka IGAD ku tilmaantay mid dhinac u janjeera Itoobiya, iyadoo Workneh Gebeyehu uu yahay Itoobiyaan hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda dalkiisa.
Dawladda Soomaaliya waxay Gebeyehu ka dalbatay inuu raali-gelin ka bixiyo warka kasoo baxay, islamarkaana uu ka laabto.
Dhinaca kalena, dawladda Itoobiya ayaa difaacday is-afgaradka ay la gaarty Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay dawladda Itoobiya maanta ayey Itoobiya ku sheegtay in is-afagradkaasi aanu jirin xeerar uu jebinayo.
Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ku doodeysa in is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogol xaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.