Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dowladda Somaliya oo saxiixday Axdiga Jaamacadda Nabadda ee QM iyo fursadaha cusub ee Ardayda

    Dowladda Somaliya oo saxiixday Axdiga Jaamacadda Nabadda ee QM iyo fursadaha cusub ee Ardayda

    September 24, 2022Updated:September 24, 20223 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Dr Juan Carlos, Madaxa Jaamacadda Peace oo la sheekeysanaya Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Sebtember 20, 2022
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabsho Upeace waxay gaartay guul kale oo taariikhi ah, ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay axdiga ka mid ahaansha Jamaacada.

    Talaabadan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u ansixisay Axdiga Nabadda, lana filayo in ay dhaqangeliso. Wakiilka Jaamacadda ee dalka Dr Maxamed Cismaan oo ka falcelinayay warkaas ayaa sheegay in go’aanka madaxweynaha uu yahay war wanaagsan oo lagu farxo.

    “Warkan waa war aad loo soo dhaweynayo, waxayna jaamacaddu faraceeda Soomaaliya ka dhigaysaa inay la mid noqoto dalalka kale ee saxiixay xeerka,” ayuu yiri Dr Maxamed.

    “Ardaydu waxay kaloo ka faa’iidaysan doonaan deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay Jaamacaddu bixiso” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed.

    Midig: Wakiilka Upeace ee Soomaaliya Dr Mohamed Osman, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Barnaamijka Gobolka UPEACE, Professor Samuel Kale Ewusi, iyo Madaxa Xafiiska Shaqaalaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hussein Sheikh
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (dhexda), oo la qoslaya Dr Juan Carlos, oo ah madaxa caalamiga ah ee Upeace. Waxaa weheliya Madaxa Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.

    Madaxweynaha Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamed ayaa saxiixay axdiga ku biirista Qaramada Midoobay isagoo ka qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobay, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 42-aad ee saxiixa axdiga, kaasoo ka dhashay Qaraarkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 35/55 ee soo baxay 5-tii December 1980-kii ee lagu aasaasay Jaamacadda Nabadda Xarunta Dhexe ee Costa Rica iyo Barnaamijyada Gobolka ee Afrika (Itoobiya), Yurub (Netherland) Aasiya (Shiinaha), Koonfur Bari Aasiya (Filibiin), iyo Koonfurta Ameerika (Honduras).

    Khariidad muujinaysa Xarumaha waaweyn ee Jaamacadda Upeace ee dunida

    Dhowr sano ka hor, Jaamacadda ayaa lagu soo dhaweeyay Soomaaliya, ka dib markii ay bilowday bixinta koorsooyinka. Wixii ka horeeyey 2018-kii ardayda Soomaaliyeed waxay u safri jireen Itoobiya oo ay Jaamacaddu ku leedahay xarunteeda ugu weyn ee qaaradda Afrika.

    “Saxiixa Axdigan ee madaxweynuhu waa horumar kale oo weyn oo Jaamacadda ku talaabsatay, waxaana rajeyneynaa inuu albaabada u furo arday badan inay isku diwaan galiyaan koorasyada ay bixiso Jaamacaddu” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf, Madaxa Upeace ee Soomaaliya.

    Dr Juan Carlos, maxada guud ee Jaamacadda Upeace (dhexda), Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ambassador Narinder Kakar, Kormeeraha Joogtada ah ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay- Goobta waa shirweynaha 77aad ee Qaramada Midoobay.

    Aasaaska xaruntii ugu horeysay ee Jaamacadda taasi oo laga asaasay dalka Costa Rica, oo ah waddan ku yaal Bartamaha Ameerika, ayaa door laxaad leh ka qaadatay in ay sal-dhigato Jaamacadda.

    Dhanka Afrika, Jaamacaddu waxay sannadkii 2002-dii xarunteeda ka asaastay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya barnaamijkeeda gobolka ee Afrika, kaasoo albaabada u furay kumanaan arday Afrikaan ah oo aad u jecel inay sii wataan koorsooyin la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka.

    Qaar badan oo ka mid ah ardayda ka qalin jabisay Jaamacadan ayaa hadda isticmaalaya aqoonta ay heleen si ay u dhisaan nabadda iyo inay gacan ka geystaan taageerada bulshadooda.

    Bishii Ogosto 2018, Upeace waxay xarunteedii ugu horreysay ka hirgelisay magaalada Muqdisho, waana dufcadii ugu horreysay ee Jaamacadda Soomaaliya ee ardayda dhigata barnaamijyada Master iyo PhD.

    UPEACE waxay qabanqaabin doontaa xafladda qalin-jabinta xigta ee Soomaaliya dhammaadka Oktoobar 2022 iyada oo in ka badan 100 arday dhaameeyey koorsada Masters-ka ah iyo ugu yaraan 10 arday oo dhameeyey shahaada PHD-ga la filayo inay helaan Shahaadooyinkooda.

    Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWilliam Ruto: “Ciidamadeena Somaliya uma joogaan Somalida darteed ee waxay u joogaan…”
    Next Article Faahfaahin: Ganacsade lagu weerarray Gudaha Suuqa Bakaaraha iyo Alshabaab..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo