Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowladda Somaliya oo shaacisay inay Puntland dib u bilowday Mashaariicdii ay joojisay

    Dowladda Somaliya oo shaacisay inay Puntland dib u bilowday Mashaariicdii ay joojisay

    June 11, 2024Updated:June 11, 20242 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Puntland ayaa ogolaatay in mashaariicda horumarinta loo soo mariyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib muddo sanad ka badan oo ay xiriirka u jaray, isla markaana diidaneyd inay la macaamisho dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa shaaciyay in dib u bilowdeen mashaariicdii horumarinta ee Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland ee Siciid Deni uu hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

    “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland. Labada mashruuc waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka balse dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada hoos yimaada”. ayuu yiri Wasiir Beenebeene oo war qoraal ah soo saaray.

    Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu qoraal u diray beesha caalamka, kana codsaday in si siman loo qaybiyo deeqaha horumarineed ee ay ugu talo galeen Somalia, wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey iney siyaasadeyso deeqaha la soo mariyo.

    “Waxaan ka walaacsanahay siyaasadeynta sii kordheysa ee lagu hayo deeqaha la soo mariyo dowladda federaalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Deni oo intaas ku daray in lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka ay dowladda federaalka u adeegsato ajandayaal siyaasadeed tan iyo markii isaga dib loo doortay bishii January.

    “Beesha caalamka waxaanu ka codsaneynaa in la abuuro hannaan awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah oo ka madax banaan siyaasada Muqdisho u caawiyaan Puntland” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siciid Deni, balse dalabkaas ayaa socon waayey.

    Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xassan Shiikh iyo Siciid Deni oo ka soo bilowday doorashadii 2022 ayaa keenay inuu si weyn u xumaado xiriirka labada mas’uul oo hore isbaheysi u lahaa.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShuruud lagu xiray Meydadka laga saarayo Qabuurihii Dugsiga Booliska iyo xaalad ka taagan
    Next Article Taliye xigeenkii Booliska oo xilkii laga qaaday iyo Sarkaal Caan ah oo loo magacaabay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo