Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeyey ogolaansho ay dalka uga shaqeeyaan siiyey laba Banki oo ajnabi ah oo laga kleeyahay dalalka Turkiga iyo Masar.
Qoraal kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu oggolaaday in shati (license) la siiyo labada bangi ee kala ah; Banque Misriyo Ziraat Katılım.
“Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022. Howshan oo in muddo ah socotay ugu dambeyntii Guddiga Maamulka Bankiga waxay ku qanceen in labadaas Bangi ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa lagu soo beegay xilli la filayo inuu maanta dalka Turkiga socdaal shaqo ku aado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna wararku sheegayaan inuu madaxweynaha amar ku bixiyey bixinta ogolaanshaha Bankiyadan oo in muddo dalabkoodu taagnaa.
Go’aankan ayaa sidoo kale imaanaya iyadoo aan la dhisin xukuumaddda cusub ee Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre, isla markaana ay jireen welwel weyn oo ay arrintan ka qabeen Bankiga gudaha dalka ka shaqeeya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA BANKIGA DHEXE
CENTRAL BANK OF SOMALIA
Tix. 507-X1-07-22 Muqdisho, 3da Luulyo, 2022
War Saxafadeed:
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu Oggolaaday Shati siinta 2 Bangi Bankiga Dhexe ayaa oggolaaday in shati (license) la siiyo labada bangi ee kala ah; Banque Misr iyo Ziraat Katılım. Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022.
Howshan oo in muddo ah socotay ugu dambeyntii Guddiga Maamulka Bankiga waxay ku qanceen in labadaas Bangi ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa. Sidaas daraadeed labada Bangi ee sare ku xusan waxaa loo oggolaaday inay ka shaqeyn karaan Soomaaliya.
Guddoomiya Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, ayaa yiri “waxaa farxad noo ah in Guddiga Maamulka Bankiga oggolaadeen shati siinta laba Bangi oo caalami ah. Waa bangiyo waaweyn oo wax badan kusoo kordhin kara hannaanka maaliyadda dalka iyo guud ahaan koboca dhaqaalaha”. Banque Misr iyo Ziraat Katılım waa labaddii Bangi ee u horreeyay oo caalami ah, oo ruqsad loo siiyo inay dalka ka holwgalaan.
Tani waxay muujinaysaa horumarka uu samaynayo dib-u-dhiska hannaanka maaliyadda dalka iyo kalsoonida maalgashadayaasha. Bankiga dhexe waxaa ka go’an horumarinta iyo ilaalinta xasilloonida hannaanka maaliyadda dalka.