Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku sagootisay Wafdi gurmad ah oo ka kooban qeybaha Bulshada magaalada Muqdisho iyadoo loo dhiibay lacag dhan Hal Milyan oo Doolar oo loogu talogalay dadka abaaraha ku dhaceen ee Gobollada Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland).
Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in ujeedka dirista wafdiga ay tahay mid bani’aadamnimo, isla markaana aanay wax siyaasad ah ku jirin, wxuuuna caddeeyay in lacagta Halka Milyan ee Doolar ah ay iska soo ururiyeen madaxda sare ee dowladda laga soo bilaabo Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, xukuumadda, Baarlamaanka iyo madaxda kale ee dowladda.
Waa gurmadkii ugu horeeyay ee noocan oo kale ah oo aada Somaliland, iyadoo dhinaca Somaliland ay hore ugu soo gurmadeen abaarihii Koonfurta Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2012-ka.
Wafdiga maanta tegaya magaalada Hargeysa waxaa ka mida culimo, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato iyo xubno kale oo ururada bulshada ka mida, waxayna kulamo la yeelan doonaan madaxda Somaliland iyo waxgaradka degaanada Waqooyiga Soomaaliya.
Wadani.com