Dowladda Soomaaliya ayaa War kasoo saartay howlgal maanta lagu xiray Sheekh lagu macgaaabo Mustaf Cali Caanood oo ay ku eedeysay inuu faafinayey fikirka Alshabaab ee Khawaarijta.
Qoraal kasoo baxay Xukuumadda ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka kooxaha Khawaarijta ah ay Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.
“Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana laqabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado Ciidamada Amniga. Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed”.” ayaa lagu yiri qoralaka
Warka ayaa lagu sheega yin Mustafa waxaa lg horgeyn doono sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.
“Dawladda Soomaaliya waxeey mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayo boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.”