Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowladda Soomaaliya: “Ergada Somaliland ayaa keligeed mas’uul ka fashilk shirka”.

    Dowladda Soomaaliya: “Ergada Somaliland ayaa keligeed mas’uul ka fashilk shirka”.

    March 2, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in  iyadoo laga amba qaadayo geeddi socodka wadahadalkii u dhexeeya Dowladda Federaal ka ee Soomaaliya & Somaliland si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed siilaanyo, ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), wafdiga oo xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.

    Odowaa-Biixi

    [ad name=”HTML-4″]

    Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah. Waxaa nasiib darra ah in wafdiga ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka uu shirku ka dhici lahaa uu ku guuldarreystay inuu soo fariisto madasha wadahadalka, isagoo la soo baxay shuruudo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara.

    Labada dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq u malaha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay inay matasho.
    Arrintaasi waxay xadgudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo hab dhaqanka caalamiga ah ee wada xaajoodka.
    Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul katahay in uu qabsoomiGoo waayay shirkani.

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto.

    Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatashi ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wadahadalladani. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada dhinac.

    Wadani.com
    Muqdisho
    [ad name=”HTML”]
    [ad name=”HTML-5″]
    Fashilka shirka Istanbul Xukuumadda Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWadahadalkii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee Turkiga oo burburay
    Next Article Virginia cabbie on FBI’s Most Wanted Terrorists list detained in Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo