Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa iska fogeeyay tallaabada ay Kenya qaadatay ee ah inay muddo 3 bilood ah looga raro qaxooti Soomaaliyeed ku sugan dalka Kenya, waxayna sheegeen inaysan suuragal ahayn fulinta arrintaasi ayna tahay sharci darro.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay inaysan wax xiriir rasmi ah oo dowladda Kenya arrintan kala sameysay, wuxuuna intaasi ku daray inaysan suuragal ahayn dadka faraha badan ee qaxootiga ah in sidaas loola dhaqmo, ayna tahay sharci darro, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay arrintan dib uga laabato.
Sarkaal ka tirsan UNHCR ayaa isna sheegay in dowladda Kenya aysan wax codsi ah u soo gudbin oo ku saabsan raritaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan, wuxuuna caddeeyay inay arrintan ka horjeedo heshiisyada caalamiga ah ee Kenya ay saxiixday.
[ad name=”HTML-2″]
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Wiliam Ruto ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inuu UNHCR ay dowladda Kenya siisay kala doorasho ah in muddo 3 bilood ah ay rarto qaxootiga Soomaaliyeed ee Dadaab ku sugan ama intaas kadib ay Kenya iyadu qaxootigaasi iska rari doonto oo Soomaaliya u gudbin doonto.
Waxaa hore u jiray heshiis saddex geesood ah oo dhex maray dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo ay wehliso UNHCR oo qorshe u dhigaya dib u celinta qaxootiga Soomaalida, balse amar cusub ee madaxweyne ku xigeenka Kenya wuxuu keenay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Kenya, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo Kenya looga dalbanayo inay ka noqoto go’aankeeda ay ku eryeyso qaxootiga.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]