Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowladda Soomaaliya ma ku tiirsanaan kartaa Canshuurta Dadka Muqdisho oo kaliya..? (Faallo Dhab ka hadal ah)

    Dowladda Soomaaliya ma ku tiirsanaan kartaa Canshuurta Dadka Muqdisho oo kaliya..? (Faallo Dhab ka hadal ah)

    July 28, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qormo ku socoto Wasaaradda Maaliyadda, Xukuumadda Soomaaliya, Baarlamaanka iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan

    Ilaa Bishii May ee sanadkan 2015 waxay dowladda Federaalka ka cabaneysay dhaqaale darro soo wajahday oo ay la bixin weyday mushaarkii ciidamada iyo shaqaalihii rayidka ahaa, waxaana arrintan loo aaneeyay inaan la helin dhaqaalihii beesha caalamka laga filaayay, xukuumadda Soomaaliya oo dhowaan ansixisay in la yareeyo mushaarka shaqaalaha iyo saraakiisha dowladda waxay hadda shaacisay in canshuuraha gudaha ay kordheen.

    Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur ayaa warbaahinta dowladda ka soo xigatay in dakhliga gudaha ka soo xarooda uu kordhay labalaab (100%) sanadkii 2014, taasoo uu sabab uga dhigay markii ay dadka Soomaaliyeed bixiyeen canshuuraha. Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu intaas ku daray in  arrintan ay horseedi doonto inuu dalku uu isku filnaado.

    wasiiro
    Wasiirkii hore ee Maaliyadda & midka cusub oo xilka isku warejinaya

    [blockquote style=”4″]“Wasaaradda maaliyaddu waxay dhinaca dakhli ururinta ka sameysay horumar aad u ballaaran, tusaale ahaan horraantii 2014-ka dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5 milyan oo dollar bil walba, hadda (2015) wuxuu marayaa 10 malyan bishii, Hadafkeenu wuxuu yahay in dakhliga gudaha uu noqdo 15 milyan sida ku cad miisaaniyadda dowladda, waxaan rajaynayaa in sanadku inta uusan dhammaanin aan isku filnaano oo dakhliga gudaha uu daboolo adeegyada dowladda”” Wasiiru dowlaha Maaliyadda[/blockquote]

    Bishaarada Wasiiru dowlaha Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ee ah in dowladda Soomaaliya isku filnaan doonto kana maarmi doonto deeqda dibadda waxay ka farxineysaa dadka Soomaaliyeed ee qaranimada jecel, laakiin dhinaca kale waxay culeys ku tahay dadka degan caasimadda Muqdisho oo keligood dusha u riday inay xambaaraan dowladii Soomaaliya oo dhan u dhaxeysay.

    Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay canshuurta laga qaado dadka ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo ilaha dhaqaalaha ee ku yaala sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho iyadoo aanay wax dhaqaale ama canshuur ah ka helin goboladda kale ee dalka!!.

    Waxaa dhowaan ka istaagay dowladda Fedealka canshuurtii ay ka heli jirtay gobolka SH/hoose oo gebi ahaan uu la wareegay maamulka K/Galbeed. Tusaale ahaan canshuurta laga qaado Degmada Afgooye waxaa toos loogu diraa magaalada Baydbaba ee maamulka KMG ah ee K/Galbeed.

    Dhaqaalaha laga helo dekadda Kismaayo waxaa isla maamulka dowladda Kenya iyo maamulka  Juba ee Axmed Madoobe. Heshiiskii Addis ee dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe oo qodobadiisu ka mid ahaayeen in dowladda Federaalka lagu wareejiyo dekadda Kismaayo wuxuu u muuqdaa mid la laalay, mana jirto dhaqaale dhinacaas dowladdu ka sugeyso.

    minishibiyo
    In la jirdilo darawalada Mootooyinka Bajaajta waxay ka mid tahay qaababka dowladda hoose ee Xamar Canshuurta u qaado iyadoo adeegsaneyda ciidanla ilaalada degaanka oo qoryo AK 47 ku hubeysan bartama magaalada Muqdisho

    Puntland iyo howlaheeda mar hore ayaa la iska iloobay, mana jirto dhaqaale haba yaraatee dowladdu ka hesho Puntland. Waxaa dhaqaale dowladda dhexe ee Muqdisho ka hesho Puntland ugu danbeeyay xiligii uu madaxweynaha ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ciidamo iyo dhaqaale fara badan Puntland u soo diri jirtay Muqdisho, wixii mudadaas ka dambeeyay waxay xaaladu isu bedeshay dowlado loolamaya. Waxaan kaloo talada ku jirin dhaqaale laga helo gobolada hadda la dhisay ee Galmudug , tiiyo Somaliland ay tahay arrin gaar ah.

    Sidaaasoo ay tahay maamulada dalka ka jira waxay intooda badan cadaawad ka goosteen Muqdisho oo ay ku tebayaan inay liqdo dhammaan dhaqaalihii loogu talogalay Soomaali oo dhan, waxayse runtu tahay in dhaqaalaha dibadda laga helo uu jeebka u galo shaqsiyaad gaar ah oo madax ah oo ay ku jiraan kuwa maamul goboleedyada, Muqdishana ay u dheer tahay culeyska ah in dadka Muqdisho ay keligood bixiyaan canshuurta dowladda Soomaaliyeed ku howl gasho, taasoo xaqdarro ay ku eedeysan yihiin ku ah reer Muqdisho.

    Siyaasadda ah: “KEYGA ANAA LEH, KAAGANA KULA LIHI” ee dadka Muqdisho heysata iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee ka kala yimid gobolada dalka oo dhan waxaa hor taalla su’aal ah “ILAA INTEE AYAY DOWLADDA FEDERAALKA DULSAAR KU AHAAN KARTAA DHAQAALAHA MUQDISHO OO KALIYA?”. Hadii gobol kasta dhaqaalihiisa ka reebto dowladii Federaalka sidee madaxda aan reer Muqdisho ahayn xalaal ugu noqon karaa mushaarka iyo dhaqaalaha kale ee ay ku qaataan magaca dowladda balse laga qaado reer Muqdisho oao kaliya. Sow gar maaha in wasiir kasta degaanka uu ka soo jeedo mushaarka ka qaato ama dowladda Federaalka xilliba Gobol la dejiyo si cadaalad u dhacdo????….

    Faaladda Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Canshuurta Muqdisho Wasaaradda Maaliyadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUS President Barack Obama rules out sending troops to Somalia
    Next Article Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Magaalada Cadaado

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo