Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh u daadgueysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo maanta ciidamo cusub diyaarado lagu geeyay Luuq.
Ciidamadan oo intooda badan diyaarado looga qaaday Muqdisho, degmooyinka Baardheere Garbahaarey ayaa ayaa la geeyay degmada Luuq, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ciidamada ay ka tirsan yihiin Booliska Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ciidamo fara badan geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo uu halkaasi gaaray taliyaha ciidamada lugta ee Xoogga dalka, waxayna arrintan ka mid tahay qorshe dowladda Soomaaliya ay Gobolka Gedo ugala wareegeyso maamulka Axmed Madoobe.
Ciidamada degmada Luuq ay ku daadgureysay dowladda Soomaaliya ayaa hadda gaaray in ka badan 500 askari, waxaana hore ay dowladda ula wareegtay maamuladii degmooyinka Gobolka Gedo ee hoos tegi jiray Jubbaland.