Dowladda Soomaaliya ayaa ashtako rasmi ah ka gudbisay heshiiska dekadda Berbera ee dhowaan lagu biiriyey dowladda Itoobiya.
Qoraal loo diray xogheynta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Qaahir ayaa lagu caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee heshiiskaasi oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo cid aan sharci ahayn ay siisay cid aan xaq u lahayn.
Qoraalka safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa lagu dalbaday in arrinta heshiiskaasi oo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya lagu daro ajendayaasha shirka wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta.
Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee dowladda Soomaaliya ay ka qaadato heshiiska muranka dhaliyey ee Imaaraadka Carabta ay ku saxiixdeen shirkada DP World, Itoobiya iyo Somaliland.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA