Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay deeq lacageed oo gaarysa 427 Milyan oo doolar ka heshay.
Wasiirka ayaa sheegay in shuruudihii ugu muhiimsanaa ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya ay ka gudubtay ka hor waqtigii loogu tala galay sida ay qireen madaxda hey’adda Lacagta Adduunka, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay deeq bixiyayaasha caalamka oo ay ugu horreeyaan Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ay ugu deeqeen 427 Milyan oo Doollar.
Wasiir Beyle waxa uu meesha ka saaray in ay deyn tahay Lacagaha la siinayo Soomaaliya, taasi oo ay warbaahinta qaar daabaceen. “Waxaan halkan ka sheegayaa inay Lacagtan Soomaaliya la siiyay ay deeq tahay, deyn ma qaadan karno “, ayuu yiri wasiir Beyle.
Dabagalka Lacagta deybta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday wuxuuna sheegay in ay ku ogaatay Wasaaradda maaliyada Lacag dhan Hal Bilyan oo Doollar inaan la heyn ciddii saxiixday iyo sida ay ku timid.
“Dowlad baa iska imaan oo dhihi wax baan idinku leeyahay oran, mid kastaa waan diiwaan gelinnay, illaa annaga wax walba waa gubnay oo waxaan haynaa ma jirto, markaas ayaannu leennahay wax warqado caddeyn ah keena inaad wax nagu leedahay, waraaqahii aad Dowladda Soomaaliyeed kula saxiixatay la kaalay baan ku niri qaar baa keeni waayay, intey keeni waayeenna waan ka jarnay, iminka waxaan u malaynayaa in ay Lacagta deynta ah 4 Bilyan iyo bar, halka ay marka hore ka ahayd 5 Bilyan iyo bar” ayuu yiri Wasiirk Beyle.