War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Soomaaliya ay yihiin fasax maalimaha ciidda Carrafo.
Waxaa lagu yiri qoraalkan’ Wasaaradda SHaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhamaan hey’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Allae uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.
Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad, waxaa la fasaxay maalinta Sabtida iyo Axadda iyagoo jimcaha ay ku beegan tahay maalinta Ciidul Adxaa ee koowaad.
Qoraalka waxaa ku saxiixnaa Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Wasaaraddaasi ciid wanaagsan u rajeeyay shaqaalaha dowladda.