Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Guddi soo baara loo diray dilki magaalada Beledweyne loogu geystay sarkaal u shaqeynayay hey’adda miino barista Qaramada Midoobay oo dhaliyay xiisad colaadeed oo magaaladaasi ka taagan.
Sidoo kale wasiirka wuxuu caddeeyay in guddiga uu magacaabay uu ka kooban yahay 7 xubnood oo ka kala socda hey’adaha ammaanka, wuxuuna xusay in guddiga maanta tegi doono magaalada Beledweyne.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay inay dilkaasi geysteen rag dhallinyaro ah oo laba ka mida gacanta ciidamada ammaanka ku jiraan, islamarkaana sharciga la horgeyn doono.
Dilka marxuum Mahdi Xuseen Macoow oo lagu eedeeyay ilaalada guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xiisad weyn ka abuuray magaalada Beledweye iyadoo beesha uu ka dhashay sarkaalka la dilay ay xireen wadooyinka qaar isla markaana ay dalbatay in loo gacan geliyo dadkii dilay sarkaalkaasi.
Wadani.com