Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gashay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF)

    Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gashay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF)

    April 7, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Sooamliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) iyo wafti uu hogaaminaayay ayaa magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya kulan socday 30 March-5-ta April la yeeshay wafdi ka socday Hay’ada Lacagta Adduunka ee loo yaqaano (IMF)

    Ugu horayntii wafdiga IMF oo uu hogaaminaayay Mr. Rogerio Zandamela ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweyey horumarada dhanka maamulka maaliyadda ee dowlada Soomaaliya ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu danbeeyey.

    “Tan iyo 2012, Dowladda Soomaaliya waxay ku talaabsatay horumar wax ku ool ah oo ku aadan dib-u-dhiska hay’adaha dhaqaale ee dalka iyo dib-u-soo noolaynta adeegyada dowladeed. Inkastoo horumarkaas baaxad leh la gaaray, haddana amniga dalka wali waxaa ka jira caqabado, sidaas daraadeed Hay’adaha dowladda waxay u baahan yihiin dib-u-habayn baaxad leh, oo la joogteeyo dib-u-dhiska Soomaaliya waa in lahelaa taageero horumarineed oo joogto ah….”

    “Inkastoo ay xaalado adag dalka ka jiraan, haddana dedaalka dowladda waa mid mira dhalaya. Horukaca dhaqaalaha 2015tii waxaa lagu qiyaasay 3.7%, halka sicir-bararka 1% lagu qiyaasay. Si kastoo ay tahayba, dhibaatooyinka dagaalku keenay ayaa wali caqabad ku ah kor u qaadista dakhliga dowladda iyo gaarsiinta dadka adeegyada dowladda….” ayuu yiri mr. Gogerio Zandamela

    Dowladda Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la gashay IMF

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Maxamed Aden Ibraahim Farketi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la tacaalida dhamaan dhibaatooyinka dalka ka jira ayna xaqiiijinayso dedaalka loogu jiro hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan.

    “Si dadaalka dowladda ay wado loo dhiiro geliyo, dowladdu waxay heshiis dayn cafin ah la gashay hay’adda Sanduuqa Caalamiga ah (IMF) kaas oo ka bilaami doona May 2016. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo….” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

    Heshiisku waxuu dhanka kale diiradda saarayaa xoojinta siyaasadaha kor u qaadidda habsami u socodka maamulka maaliyadda, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, wax ka qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo duugoowday, xoojinta awoodda Bankiga Dhexe oo uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

    Hadaba fulinta heshiiskaan ayaa Soomaaliya u saamaxaya in ay hesho taageero dhaqaale iyo maalgalin heer caalami ah. Wuxuuna u horseedayaa in ay heshiisyo laba-geesood ah oo Soomaaliya la gasho wadamada deeq bixiyayaasha dunida. Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saarayey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay wuxuuna gogol xaar u ahaa shir 12-ka April ka dhacaya magaaladda Washington ee cariga Maraykanka kaas oo dhex mari doono Hay’ada Caalamiga ee Sanduuqa Aduunka iyo Dowaladda Soomaaliya.

    Hay'adda Lacagta Heshiis deyn cafin IMF
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Ciidamo loo tababaray ilaalada Madaxweynaha Puntland oo Garowe lagu soo bandhigay
    Next Article Oday 70 sano jir ah oo Alshabaab ku gowracday Gobolka Bakool

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo