Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciyaar ka tirsan tartanka labaad ee maamul goboleedyada oo dhex mari lahayd xulalka Jubbaland iyo Galmudug la joojiyay.
Amarka baajinta ciyaarta ayaa kasoo baxay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliyam kulankoodii maanta iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta keentay joojinta ciyaartan, laguna soo koobay arrimo amni dartood.
Lama shaacin xilliga la ciyaari doono ciyaarta galabta baaqatay oo booska ka saareysa ciyaartii la filayay in maalinta berri ee Jimcada ay dhex marto xulalka Puntland iyo Koofur Galbeed.
Qarax is-miidaamin ah ayaa saaka lala beegsaday ciidamo boolis ah oo ku sugnaa barxadda Dugsiga sare ee Booliska, kaasoo lagu dilay ilaa 18 askari iyo sarkaal, waxaana sheegtay Alshabaab.